Sunday, May 28th, 2017
.

Waa Kuma Ninka Afrika ugu Taajirsan ee Doonaya in uu Iibsado Kooxda Arsenal? (Daawo Sawirada)

,
Published on September 23, 2016 by   ·   No Comments

Ninka ugu qanisan qaarada Afrika Aliko Dangote ayaa sheegay inuu weli doonayo inuu iibsado Arsenal inkastoo uu ku guuldareystay inuu saamiyo ka iibsado kooxda 2010kii.

Bilyaneerka reer Nigeria ayaa weli ku rajo weyn inuu Arsenal ku iibsado muddo afar sanno gudaheed ah, isagoo sheegay inuu haatan ku mashquulsan yahay mashaariix kale oo ku baxeysa 20 bilyan ginni.

Hadaba waa kuma Dangote? Wax ka ogow afar xaqiiqo oo isaga ku saabsan:

Waa ninka ugu qanisan Afrika

Dangote ayaa ah ninka ugu qanisan qaarada Afrika. Sida la shaaciyay hantidiisa waxa ay gaareysa 10.9 bilayan doolar, waana ninka 67aad ee ugu qanisan caalamka sida lagu sheegay majalada caanka ah ee Forbes.

Hantidiisa ayaa si weyn u korodhay tan iyo markii uu isku dayay inuu iibsado Arsenal, waxaana uu ka lacag badnaa sida haatan uu yahay ka hor inta aysan qiimo dhicin lacagta dalkiisa Nigeria.

Wuxuu ganacsigiisa bilaabay isagoo 21 sanno jir ah.

Ka dib markii uu qalinjabiyay, Dangote waxa uu ku laabtay Nigeria isagoo bilaabay ganacsigiisa u gaarka ah. Waxa uu amaah ka qaatay adeerkiisa waxaana uu bilaabay shirkada Dangote Group. Waxa uu markii hore ku bilaabay ganacsigiisa bariis iyo saliida raashiinka, laakiin ka dib waxa uu u talaabay inuu ka ganacsado agabka lo isticmaalo dhismooyinka waa weyn, sonkorta iyo alaabo kale.

Waa nin abaalmarino ku guuleystay.

Dangote 2014kii waxa loo magacaabay shaqsiga sannadka qaarada Afrika ee Forbes, isagoo abaalmarintaas ku garaacay dadka kale oo maqaam ka leh qaarada Afrika.

Mushaharixiintii kale ee kula tartameysa waxaa ka mid ah hanti dhowraha South Afrika Thuli Madonsela, gabadha qoraaga ah ee reer Nigeria Chimamanda Ngozi Adichie, Agaasimaha guud ee SEC Arunma Oteh iyo madaxweynaha bankiga horumarinta qaarada Afrika Domald Kaberuka.

Bishii November 2011, Dangote waxaa la gudoonsiiyay abaalmarin sharafeedka labaad ee ugu sareysa Nigeria waxaana gudoonsiiyay madaxweyne Goodluck Jonathan.

Ma Ahan nin taageere u ah Arsene Wenger.

Waxaa xiiso leh in Dangote uu si cad u sheegay in Arsene Wenger uu u baahan yahay inuu wax ka bedelo qaabkiisa maamul isagoo sheegay in kooxda ay u baahan tahay jiho cusub.

Haddii uu la wareego milkiyada kooxda Emirates ka dhisan, waxa ay gabgabo u noqon kartaa waqtiga mudada dheer ee uu macalinka Faransiiska joogay kooxda Arsenal.

share this
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail .

Readers Comments (0)



Follow Us

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinyoutube