Monday, April 24th, 2017
.

Milan Oo Italy Ku Soo Celinaysa Xiddig La Qabsan La Horyaalka Premier League

,
Published on September 28, 2016 by   ·   No Comments

Xiddiga xulka qaranka Italy ee Simone Zaza ayaa lagu soo waramayaa in uu dib ugu soo laabanayo horyaalka Italy kadib markii uu la qabsan waayay horyaalka England .

Xiddigan ayaa suuqii dhowaan xirmay ku biiray kooxda West Ham isaga oo ka tagay kooxda Juventus markii ay ku adkaatay in uu boos joogto ah ka helo.

Weeraryahankan reer Italy ayaa si amaah ah ugu biiray kooxda Hummers xilli ay dookh u haysata in ay  €23m si toos ah ugula wareegto xagaaga dambe.

Si kasta ha haatee wararka ka soo baxaya dalka Italy ayaa sheegaya in ay kooxda West Ham isku diyaarinayso in ay kansasho heshiiska amaahda ah ee xiddigan.

Kooxda Ac Milan ayaa haatan heegan u gashay saxiixa xiddigan iyada oo amaah ku qaadan doonto xiddigan ka hor inta ayna si Rasmi ah ula wareegin adeegiisa.
share this
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail .

Readers Comments (0)



Follow Us

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinyoutube