Monday, August 21st, 2017
.

Tababare Jooga Horyaalka Ingiriiska Oo U Dhaw In Uu Qabto Shaqada Qaranka Ingiriiska

,
Published on September 28, 2016 by   ·   No Comments

Saxaafadda Italy ayaa qoreysa in tababare Roberto Mancini uusan wax xariir ah ka helin qaranka Ingiriiska si uu layliyo waqtiyada soo socda .

Tababare Sam Allardyce ayaa shalay iska casilay shaqada qaranka ka dib 62 cesho oo uu hayay waxaana u sabab ah fadeexo laaluush oo soo wajahday

Gareth Southgate oo haatan layliya qaranka 21 sano jirada Ingiriiska ayaa loo badinayaa in qaranka weyn hogaaminayo kulamada soo socda .

Sidoo kale tababaraha kooxda Crystle Palace ee Alan Pardew ayaa ku jira maaclimiinta loo sharaxayo shaqadaas qaranka Ingiriiska .

Clacico Mercato ayaa sheegeysa in Alan Pardew u dhaw yahay in uu qabto shaqadaas xilli Mancini kaliya uu ku jiro liiska musharaxiinta

Qaranka Ingiriiska ayaa kulamada soo socda waxa ay la ciyaarayaan Malta , Slovenia , Scotland iyo Sweden

share this
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail .

Readers Comments (0)



Follow Us

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinyoutube