Friday, March 24th, 2017
.

Ciyaartoydii Ku Soo Guulaystay, , Waqtigii La Aas Aasay & Cida Bixisa Abaal Marinta Xidigaha Dahabiga Ah Iyo Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay In Aad Ka Ogay Abaal Marinta Golden Boy-ga

,
Published on September 30, 2016 by   ·   No Comments

Waxaa maanta la soo saaray liiska 40 da’yarta aduunka waqti xaadirkan ugu fiican ee ku tartami doona abaal marinta Golden Boy ama wiilka dahabiga ah ee sanadkasta la bixiyo. Waxaana liiskan ku soo baxay ciyaaartoy da’yar ah oo ka kooban 40 ciyaartoy kuwaas oo mid ka mid ahi uu ku guulaysan doono abaal marinta Golden Boyiga.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xog ay tahay in aad ka ogaato abaal marinta Golden Boy ama abaal marinta la siiyo da’yarka ugu fiican aduunka. Waxaanu halkan ku eegi doonaa taariikhtii abaal marinta Golden Boy iyo waqtigii la aas aasay, waxa kale oo aan xusi doonaa cidda bixisa abaal marintan iyo xidigihii ku soo guulaystay muddadii la bixinayay abaal marintan.

GOORMA AYAA LA AAS AASAY ABAAL MARINTA GOLDEN BOY AYAASE AAS AASAY?

Sanad kasta waxaad maqashaa waxaa la soo saaray liiska 40 ka da’yarta kubbada cagta ugu fiican aduunka waxaana ku guulaystay ciyaartoy hebel laakiin wax badan laysma waydiiyo taariikhda Golden Boy iyo cida bixisa.Halkan ayaan sharaxaad buuxda kaga bixin doonaa xogta Golden Boy Award oo dhamaystiran.

MANCHESTER, ENGLAND - DECEMBER 6: Anderson of Manchester United poses with his Tuttosport Golden Boy of 2008 award ahead of the Barclays Premier League match between Manchester United and Sunderland at Old Trafford on December 6 2008 in Manchester, England. (Photo by John Peters/Manchester United via Getty Images) *** Local Capion *** Anderson

Haddaba haddii aan su’aashan si toos ah uga jaaabno waxaa abaal marintan la aas aasay sanadkii 2003 waxaana fikrada abaal marintan lagu aas aasay iska leh wargayska Talyaaniga ka soo baxa ee  TuttoSport, waana abaal marin la mid ah Ballon d’Or-ka balse ay shuruudu tahay in ciyaartoygu aanu ka waynayn 21 sano jir.

Dortmund's midfielder Mario Goetze holds his Golden Boy 2011 trophy after being awarded the best European under-21 player of the year prior to the German first division Bundesliga football match Borussia Dortmund vs 1.FC Kaiserslautern in the German city of Dortmund on December 11, 2011. AFP PHOTO / PATRIK STOLLARZ RESTRICTIONS / EMBARGO - DFL LIMITS THE USE OF IMAGES ON THE INTERNET TO 15 PICTURES (NO VIDEO-LIKE SEQUENCES) DURING THE MATCH AND PROHIBITS MOBILE (MMS) USE DURING AND FOR FURTHER TWO HOURS AFTER THE MATCH. FOR MORE INFORMATION CONTACT DFL. (Photo credit should read PATRIK STOLLARZ/AFP/Getty Images)

Abaal marintan Golden Boy ee uu wargayska TuttoSport aas aasay sanadkii 2003 waxaa ku soo guulaystay xidigo 13 ciyaartoy laakiin dhamaan ciyaartoydan ayaan noqon kuwo gadhay heerkii laga filayay markii abaal marintan la gudoonsiinayay.

MALAGA, SPAIN - DECEMBER 22: Isco of Malaga holds up the Golden Boy trophy before the La Liga match between Malaga CF and Real Madrid at La Rosaleda Stadium on December 22, 2012 in Malaga, Spain. (Photo by Angel Martinez/Real Madrid via Getty Images)

Hal ciyaartoy oo kaliya oo ku soo guulaystay abaal marinta Golden Boy ayaa ku guulaystay abaal marinta wayn ee Ballon d’Or-ka kaas oo Lionel Messi. Dhamaan ciyaartoydii kale ee abaal marintan ku soo guulaystay ayaan nasiib u yeelan Ballon d’Orka.

Barcelona, SPAIN: Lionel Messi, forward from the Barcelona, presented openly today the ' Golden Boy', prize granted by the Italian publication ' Tuttosport' that distinguishes the best player smaller than 21 years of the European suspenders as fastener of gold to a spectacular year in which has won the World cup sub-20, of which better player was chosen. AFP PHOTO / STR (Photo credit should read STR/AFP/Getty Images)

Abaal marintan ayaa la bixiyaa sanad kasta tan iyo markii ugu horaysay ee la bixiyay oo ahayd sanadkii 2003 waxaana abaal marintii ugu horaysay ee Golden Boy ku guulaystay xidigii kooxaha badan ka ciyaaray ee Rafael van der Vaart kaas oo markaas ahaa da’yar ka ciyaara kooxda Ajax halka abaal marintii ugu danbaysay ee sanadki hore uu ku guulaystay Anthony Martial oo hadda Man United ka tirsan balse sanadkii hore ka soo wareegay AS Monaco.

anthony martial golden boy

share this
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail .

Readers Comments (0)



Follow Us

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinyoutube