Monday, April 24th, 2017
.

CR7, Cavani & Walcott Oo Ka Mid Ah Xiddigaha U Sharaxan Ciyaaryahankii Isbuucaan Ugu Fiican Champions League.

,
Published on September 30, 2016 by   ·   No Comments

Xiriirka kubada cagta Yurub ayaa soo saartay liiska sideeda ciyaaryahan ee u sharaxan abaalmarinta xiddiga isbuuca Champions League ka dib markii la ciyaaray kulamada wareega labaad ee Group-yada xalayto iyo habeen hore.

Seddex ka mid ah sideeda ciyaaryahan ee u sharaxan waxa ay ka ciyaaraan horyaalka La Liga, waxaana hogaaminaya Cristiano Ronaldo kaasoo shabaqa ka soo taabtay Borussia Dortmund kulankii barbaraha 2-2 ku dhamaaday ee ka dhacay Signal Iduna Park.

cteenysxyaay2x3

Waxaa xiddigaha sharaxan ka mid ah Carrasco oo dhaliyay goolka kaliya ee ay Atletico Madrid kaga badisay Bayern Munich iyo xiddiga Sevilla Samir Nasri kaasoo ka qeyb qaatay guushii ay kooxdiisa ka gaartay Lyon.

Theo Walcott ayaa isna sharaxan ka dib markii uu xalayto dhaliyay labadii gool ee ay Arsenal kaga badisay kooxda FC Basel,  Edison Cavani ayaa isna musharaxiinta ka mid ah ka dib labo gool uu PSG u dhaliyay xalayto.

Xiddigaha kale ee sharaxan waxaa ka mid ah Javier Hernandez, Paulo Dybala iyo Ricardo Quaresma.

share this
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail .

Readers Comments (0)



Follow Us

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinyoutube