Sunday, May 28th, 2017
.

Khabiirka Kubbada Cagta Sky Sports Ee Paul Merson Oo Saadaaliyay Kulamada Todobaad Ee Premier Leaque-ga Iyo Kooxaha Uu Guulaha U Saadaaliyay

,
Published on September 30, 2016 by   ·   No Comments

Khabiirka kubbada cagta Sky Sports ee Paul Merson  oo si wayn loogu bartay in uu saadaaliyo kulamada xili ciyaareedka oo dhan ayaa saadaaliyay kulamada todobaadka afraad ee Premier Leaque-ga.Paul Merson ayaa guulo u saadaaliyay kooxaha Manchester United, Liverpool, Chelsea iyo Arsenal halka uu barbaro u saadaaliyay kooxda hogaanka Premier Leaque-ga haysa ee Mancehster City oo marti u noqon doonta Tottenham.

Kulanka todobaadkan ugu xiisaha badan ayaa White Hart Lane  ku dhex mari doona kooxaha Tottenham iyo Manchester City oo ku kala jira kaalinta kowaad iyo laabad ee Premier Leaque-ga. Manchester City ayaa soo wada guulaysatay dhamaan lixdii kulan ee ay ilaa hadda ka soo ciyaartay horyaalka Ingiriiska laakiin sidoo kale Tottenham ayaan wali wax guuldaro ah arkin kulamada Premier Leaque-ga. Paul Merson ayaa saadaaliyay in Spurs iyo Sky Blues ay dhibcaha qaybsan doonaan.

paul-merson-headshot_3190859

Paul Merson ayaa guulo raaxo leh u saadaaliyay kooxaha Liverpool iyo Manchester United oo la kala ciyaari doona  Swansea City iyo Stoke City  sida ay u kala horeeyaan wuxuuna u saadaaliyay in ay min 3:0 guul ku gaadhi doonaan laakiin Paul Merson ayaa sidoo kale guul u saadaaliyay kooxda dhibta ku jirta ee Chelsea oo la ciyaari doonta Hull City . Paul Merson ayaa markale guul u saadaaliyay kooxda qaab ciyaareedka fiican ku jirta ee Arsenal.

NATIIJADII SAADAASHII TODOBAADKII LIXAAD EE PAUL MERSON EE KULAMADII PREMIER LEAQUE-GA:

12

HALKAN KAGA BOGO

Everton 2-1 Crystal Palace

Swansea 0-3 Liverpool

Hull 1-2 Chelsea

Sunderland 1-1 West Brom

Watford 2-2 Bournemouth

West Ham 1-1 Middlesbrough

Man United 3-0 Stoke City

Leicester 1-2 Southampton

Tottenham 2-2 Manchester City

Burnley 0-2 Arsenal

Haddaba akhriste adigu ma la tartami kartaa Paul Merson oo ma saadaalin kartaa kulamada todobaad ee premier Leaque-ga kadib ma nala wadaagi kartaa si todobaadka danbe Insha Allah aad isku barbar dhigi karto natiijada rasmiga ah?

share this
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail .

Readers Comments (0)



Follow Us

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinyoutube