Monday, April 24th, 2017
.

Dhaarinta Xildhibaanada Hirshabeelle oo uu khilaaf ka taagan yahay

,
Published on October 9, 2016 by   ·   No Comments

Waxaa soo baxay khilaaf ka jira qaabka loo dhaarinayo xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle iyadoo aan weli la magacaabin guddoomiyaha maxkamada sare ee maamul goboleedka cusub.

Dhaarinta oo la qorsheeyay in ay maanta dhacdo ayaa waxaa baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Jowhar guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee keentay baaqashada guddoomiyaha baarlamaanka.

Hase yeeshee waxaa magaalada Jowhar gaaray maanta  Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka Soomaaliya Cabdraxmaan Xuseen Odowaa iyo wafdi uu horkacayo.

Wararka ayaa sheegaya in goor dhow la dhaarin doono xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabele iyadoo uusan weli jirin gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulka Hirshabelle.

Dastuurka dhowaan ay ansixiyeen ergada labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa qodobkiisa 38aad waxa uu qorayaa in xildhibaanada uu dhaarinayo guddoomiyaha maxkamada sare ee maamulka Hirshabelle.

Hase yeeshee warar hoose oo ay heleyso jowhar.com ayaa sheegaya in uu dhaarinayo xildhibaanada guddoomiyaha maxkamada racfaanka gobolka Sh/dhexe Shiikh Axmed Siid taasoo ah mid ka soo horjeeda dastuurka dowlad goboleedka cusub ee Hirshabeelle.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa waxaa ay ku sugan yihiin hoolka shirka iyadoo sugaya dhaarinta.Sidoo kale waxaa weli ku jira hoolka shirarka qaar kamid ah ergada shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan kuwaasoo aan weli ka bixin xarunta shirka uu ka socday.

Dhinaca kale waxaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar banaanbax ay dhigeen haweenka labada gobol kuwaasoo dalbanayay in boqolkiiba soddon laga siiyo xildhibaanada baarlamaanka.

share this
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail .

Readers Comments (0)



Follow Us

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinyoutube