Sunday, May 28th, 2017
.

Guddiga doorashooyinka dadban oo ku baaqay in la xaliyo cabashada siyaasiyiinta Somaliland

,
Published on October 9, 2016 by   ·   No Comments

Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa markale ku celiyay in la xaliyo cabashada ka imaanaysa siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Waqooyi ama Somaliland.

Siyaasiyiinta Somaliland ee ku jira dowlada federalka ayaa cabasho ka keenay saami qeybsiga xubanaha golaha sare iyagoo ku dhowaaqay in ay qaadaceen Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban Avv Cumar Maxamuud Dhagey oo la hadlay warbaahinta ayaa ku baaqay in wax laga qabto tabashada dadka maamulka Somaliland degaanadooda ka soo jeeda.

Siyaasiyiinta Somaliland ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxa ay ku qaadaceen inay matalaad ku yeeshaan xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya.

Ku dhowaaqista inaysan ka qeybgalaynin Aqalka Sare ayaa ku soo beegantay iyadoo shalay ay soo gudbiyeen maamul goboleedyada Puntland,Galmudug iyo Jubbaland xubnihii u meteli lahaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

share this
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail .

Readers Comments (0)



Follow Us

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinyoutube