Saturday, February 25th, 2017
.

Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Qardho (Sawiro)

,
Published on October 9, 2016 by   ·   No Comments

Musharaxa u taagan xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mr Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Qardho, waana lugtii labaad safaro uu ku kala bixinayo Puntland, iyadoo booqasho saddex cisho qaadatay ku joogay magaalada Garowe oo xarun u ah maamulka Puntland.

Qeybaha kala duwan ee bulshada samadoono,waxgaradka magaalada Qardho ayaa ugaga hortagay wafdiga uu horkacayay Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle waxaana uu Musharaxu la kulmay waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Qardho gobolka Karkaar.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay sida Soomaalinimada ku jirto ee la iigu soo dhoweeyay magaalada Qardho, waxaan ka mahadcelinayaa soo dhoweynta taasoo muujineysa in deegaankan uu yahay mid taariiq dheer leh oo dadka ku noolna yihiin dad xadaarad iyo ilbaxnimo leh.”ayuu yiri Musharax Jibriil oo ka mahadcelinayay soo dhoweynta loo sameeyay.

Musharax Jibriil ayaa u gudbiyay bulshada Qardho barnaamijkiisa siyaasadeed ee uu ku maamuli doono dalka haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimo ee 30ka November ka dhici doonto dalka.

Sidoo kale waxa uu xalay kula kulmay Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle boqolaal arday ah oo wax ka barata jaamacada Garowe isagoo si saraaxad leh ugaga jawaabay su’aalo kala duwan oo ay ardaydu weydiiyeen musharaxa taasoo ay ardayduna ku qanceen.

Musharraxa ayaa ku guda jira dar dargelinta ololihiisa Musharaxnimo, isagoo bulshada ku nool deegaanada u gudbinaya barnaamijkiisa siyaasadeed ee hadii uu ku guuleysto xilka Madaxweynaha afarta sano ee soo socota.

Dhowaan ayuu sidan oo kale musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle uu booqasho ku tegey magaalada Baydhabo oo ah magaalo madaxda ku meelgaarka ah ee maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya.

qardho-kulan-13

dd

qardho-kulan-1

qardho-kulan-2

qardho-kulan-3

qardho-kulan-5

qardho-kulan-7

share this
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail .

Readers Comments (0)



Follow Us

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinyoutube