Monday, April 24th, 2017
.

Muran ka dhashay magcaabida Janaraal. Moorgan (AKHRI SABABTA)

,
Published on October 10, 2016 by   ·   No Comments

Dood xoog leh ayaa ka dhalatay magcaabida Janaraal: Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo Madaxweynaha Puntland u sharaxay inuu xubin ka noqdo aqalka sare ee Soomaaliya.

Puntland ayaa si weyn looga hadal hayaa Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdule Cawad iyo Moorgan oo hal kursi la dhex dhigay.

Dadka dhaliilsan hanaanka Gaas u qaybiyey xubnaha aqalka sare ayaa leh ma ahayn in Moorgan iyo Cawada hal kursi lagu wada tartansiiyo.

Beesha Cawad ka soo jeedo ayaa ku soo biirtay Puntland sanadii 2010 markaas oo laga qayb geliyey Xukuumada, balse weli saami lagama siin baarlamaanka.

Cawad waa laga taageeraa Puntland, nin miisaan leh oo ku adag danaha maamulkaas marka Muqdisho la joogo ayaa loo arkaa.

Sida ay xogtu sheegeysana waa uu ka baxay tartanka isagoo u duulay maanta gelinkii hore Magaalada Muqdisho.

Moorgan dadka qaarkiis waxay u arkaan nin soo halgamay. Garoowe waxa ka jira dareen oranaya mar hadii Muuse Biixi Madaxweyne doonayo, isagana waa in la meeleeyo.

Suurtagal maaha in Cawad la loolamo sababta oo ah beesha uu ka soo jeedo ayaa haysata dhamaan kuraasta baarlamaanka Puntland oo ay tahay inay kala saaraan.

Talaabadani waxay ka caraysiisay Somaliland oo marar badan ku eedaysay Janaraalka inuu ka galay gabood falo ka dhan ah aadanaha deegaanada ay ka arrimiyaan.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay inuu yahay mid aan la aqbali karin go’aanka Madaxweyne Gaas ku sharaxay Moorgan.

Muwaadin kasta oo aanu ku dhicin xukun maxkamadeed shantii sano ee la soo dhaafay wuxu xaq u leeyahay inuu xubin ka noqdo golayaasha sharci dejinta, Sida uu dhigayo dastuurka Soomaaliya.

morgan-galkacyo1

share this
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail .

Readers Comments (0)



Follow Us

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinyoutube