Friday, July 21st, 2017
.

Barakac xooggan oo laga soo sheegayo magaalada Gaalkacyo

,
Published on October 11, 2016 by   ·   No Comments

Barakac xooggan ayaa laga soo sheegayaa xaafado ka tirsan magaalada Gaalkacyo, kaddib markii ay dib uga soo cusboonaatay xiisado colaadeed oo u dhaxeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Inta badan xaafadaha magaalada ayaa haawanaya, waxaana xiisada ka jirta magaalada ay gashay malaintii shanaad, dadkuna waxay ka cabsi qabaan in saameynta dagaalada iyo xiisadaha sii xoogeysanaya.

Ciidamada labada dhinac ayaa isku hor fadhiya galbeedka xaafada Garsoor, waxaana mar walba jirta cabsi laga qabo in dagaalada dib u bilowdaan.

Dadaalo nabadeed oo ay wadeen culumaa’udiinka, waxgaradka iyo ganacsatada magaalada ayaa lagu guuldareystay, kaddib markii ay adkaatay labada ciidan ee is hor-fadhiya in la kala qaado.

Qaar ka mid ah dadkii ka qaxay dagaalka Gaalkacyo oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inay u qaxeen banaanka magaalada, halkaasoo xaalado adag ku heysato.

 

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa hawada isu marinaya hadalo kulul oo sii xoojinaya xiisada dagaal, waxaana labada dhinac ay kala sheeganayaan in Al-Shabaab iyo Daacish ay kula dagaalamayaan Gaalkacyo.

share this
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail .

Readers Comments (0)



Follow Us

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinyoutube