Thursday, June 29th, 2017
.

Jadwalka Dhamaystirka dhismaha dowlad goboleedka Hirshabeelle oo dib u dhac ku yimid

,
Published on October 11, 2016 by   ·   No Comments

Waxaa dib u dhicii ugu horeeyay ku yimid jadwal ay Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka soo saartay kaas oo ahaa dhamaystirka dhismaha dowlad goboleedka Hirshabeele oo dhowaan xildhibaanada baarlamaanka la dhaariyay.

Jadwalka la soo saaray ayaa waxaa ku qoran in maanta oo ah 11ka bisha Oktoobar la dhagaysto qudbadaha musharixiinta guddoonka baarlamaanka maamulka Hirshabeele.

Hase yeeshee waxaa suurtogal noqon weysay in khudbadaha laga dhagaysto musharixiinta guddoonka baarlamaanka iyadoo shir guddoonka kumeelgaarka ah ku dhowaaqay in dib loo dhigey illaa iyo 12ka bishan oo ah maalint arbacada ah.

Waxaa magaalada Jowhar ka socda shirar kala duwan iyo ololaha doorashada madaxtinimada maamulka Hirshabeele.Waxaa haatan isu soo taagay musharaxnimada guddoonka baarlamaanka saddex musharax oo ku tartamaysa guddoomiyaha baarlamaanka iyo labo musharax oo ku tartamaysa guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa illaa iyo hadda si cad u shaaciyay inay musharax madaxweyne yahay saddex musharax kuwaasoo ku jira olole ballaaran oo ay ku soo jiidanayaan xildhibaanada baarlamaanka si ay uga helaan codadka.

Halkan ka aqriso jadwalka dhamaytirka dhismaha dowlad goboleedka Hirshabeelle

geedi-socodka-hirshabeelle

share this
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail .

Readers Comments (0)



Follow Us

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinyoutube