Friday, July 21st, 2017
.

Qarax ka qasaare geystey oo ka dhacay goobo ganacsi oo ku yaal magaalada Muqdisho

,
Published on January 7, 2017 by   ·   No Comments

Goobo ganacsi oo ku yaal isgoyska Tarabunka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo  iyadoo ay ka dhasheen waxyeelo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyadan ayaa sida dad goobjoogayaal ah sheegeen waxa ay ahaayeen labo qarax oo ka dhashay miinooyin dhulka lagu aasay.

Baarka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa uu ahaa mid ay ciidamo iyo dad shacab ahba ka cunteyn jireen waxaana maqaayadaa lagu sheegay magaceeda Waayaabee.

Dhowaaqa qaraxyadan ayaa laga maqlay goobo fog-fog iyadoo halkaa ay gaareen gaadiidka gurmadka ah iyo ciidamada amniga. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada federalka ee ku saabsan qaraxyadan.

share this
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail .

Readers Comments (0)



Follow Us

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinyoutube