War Deg Deg Ah: Wasiirka Gaashaandhiga oo goordhaw la magacaabay iyo Wasiir kale oo xilka laga qaaday

0
10
Sheikh Abdirahman

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya u magacaabay  Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladii Xasan Sheekh.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu magacaabay  Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan in uu noqdo Wasiirka Cusub ee Gaashanadhiga Soomaaliya, waxa uuna bedelayaa Wasiirkii hore isku casilay.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay Wadatashiyo la lahaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku aadan magacaabista Wasiirka Gaashaandhiga.

Wasiirka Cusub ee loo magacaabay Wasaarada Gaashaandhiga ayaa horey usoo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga ,waxa uu sidoo kale Xukuumadii Cumar Cabdirashiid kasoo noqday Wasiirka Tamarta iyo Biyaha.

Dhinaca kale Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Wasiirka Ow-qaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Dr. Iimaan C/llaahi Cali, lamana shaacin wali sababta wasiirkan xilka loga qaaday.

Wasiirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee xilka laga qaado, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in in Xil ka qaadista Wasiirka iyo Magacaabista Wasiirka Gaashaandhiga ku saleysan tahay qaabka awood qeybsiga beelaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here