Qaxootiga Dhadhaab oo maalintii Afaraad dibadbaxyo dhigaya

0
12

Waxaa maalinta Afraad hakad ku jira howlaha Hay”adaha Samafalka ee ka howlgala xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, tani ayaana ka dambeysay markii dadka degaanka ay dhigaan banaanbaxyo ay uga soo horjeedaan Hay”adaha samafalka ee ka howlgala dhadhaab kadib markii hayada qaramada midoobey uqaabilsan arimaha qaxootiga ee UNHCR ay sheegtay in ay dhimeyso qaar ka mid ah shaqalaheeda udhashay degaanka dhadhaab.

Shaqa dhimida ayay hayada UNHCR ku micneysay dhaqaale la,aan soo wajahday hay”ada kadib markii ay hoos udhacan qaxootiga ku jiray xeryaha qaxootiga ee dhadhaab.

Qaxootiga oo horey tiradoodu ka badnayd 400,000 kun ayaa hada waxay gaareyaan ilaa 230,000 sida ay Hayada UNHCR sheegtay taasina ayey tira waa mida keentay in dhaqaalihii caalamka siin jirey UNHCR hoos udhacay maadama qaxootiga ay yaraadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here