Puntland oo soo saartay awaamiir la xiriirta dhanka ammaanka

0
14

Guddiga difaaca Puntland ayaa soo saaray ammaro ku aadan sugitaanka amniga, gaar ahaan magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal.

Qoraal kasoo baxay guddigan ayaa lagu sheegay in marnaba aanay gaadiidka shacabka ah ee yar yar tagi karin deegaanka Tukaraq ee ay ku dagaallameen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Sidoo kale, waxaa la mamnuucay in aagga Garowe ay u soo gudbaan gaadiidka shidaalka wada, lana baaro sidoo kale dhammaan gaadiidka soo galaya magaaladaasi.

Shacabka ayeey sheegeen guddiga in aanay tagi karin goobaha dagaalka ee aagga Tukarraq, ciidankana waxaa lagu amray in shacabka soo eryaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here