Thomas Muller Oo Aaminsan In Mohamed Salah Uu Abaalmarinta Ballon d’Or Ku Garaaci Karo Lionel Messi & Cristiano Ronaldo.

0
50

Weeraryahanka Bayern Munich Thomas Muller ayaa aaminsan in Mohamed Salah uu heysto fursad uu ku garaaco Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo isla markaana uu soo bandhigay qaab ciyaareed aan caadi aheyn fasal ciyaareedkaan.

Liverpool ayaa gaartay heerka ugu dambeeya koobka horyaalada yurub oo aysan tagin muddo 11-sano ah, waxeyna doonayaan iney fasalkooda ku badbaadiyaan hanashadiisa, iyadoo ay taasi jirto hadana Mohamed Salah ayaa dhaliyay 44-gool dhamaan tartamada oo dhan.

Ronaldo haatan waa kan heysta abaalmarinta shaqsiga ah ee loo tartamayo maadaama uu sanadkii hore ku guuleystay, sidoo kalana waa kan ugu cad-cad haatan isagoo final-ka la yimid markii sadexaad oo xiriir ah kooxdiisa.

Si kastaba Thomas Muller wuxuu aaminsan yahay in la joogo waqtigii Salah balse uu u baahan yahay inuu koob ku guuleysto si uu abaalmarinta shaqsiga ah u hanto.

“Waxaan u maleynayaa in Salah uu ahaa mid aad u cajiib ah” ayuu yiri Muller oo la hadlayay Mirror Football.

“Laga yaabee hadii uu ku guuleysto Champions League, wuxuu ugu cad-cad yahay inuu ku guuleysto”

“Aduunka oo dhan wuxuu raadinayaa shaqsi cusub oo hanta Ballon d’Or. Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo waa kuwa aad u fiican, balse bandhigga Salah ee fasalkaan isna waa mid aan caadi aheyn. Waxan u maleynayaa inuu fursad u heysto”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here