UEFA oo Shaashadaha Garoonka Olimpicyskiy ku Soo Bandhigtay Safka Rasmiga Ah Ee Liverpool & Real Madrid Ka Hor Kulanka Caawa?

0
14

Miyey Xiriirka qaaradda yurub ee UEFA si shil ah shaaca uga qaadeen safka hore labada kooxood ee Liverpool iyo Real Madrid – 24-saac ka hor kulanka caawa? Waa su’aal si weyn la isku weydiiyay saacadahii ugu dambeeyay.

Liverpool iyo Real Madrid ayaa isaga hor imaanaya Final-ka koobka Horyaalada Yurub ee Champions League, waana dhacadada aadka loo hadal haayo maanta, sidaas darteed waxaa la helay sawir lagu baahiyay shaashadaha waaweyn ee garoonka ay caawa ciyaarta ka dhaceyso NSC Olimpiyskiy.

Xalay ayey aheyd markii shaashadda weyn ee garoonka lagu soo bandhigay safka hore iyo badlaka labada kooxood iyadoo la dhinac dhigay maaliyadaha ay ku ciyari doonaan kulanka caawa taasoo dad badan u fasirteen in durba ay tahay safkii caawa.

Shaxda waxaa ka muuqata in Liverpool ay ku ciyaari doonto shaxdii lugta labad ee As Roma taasoo u dhigantay 4-3-3, James Milner ayaana kusoo laaban doona Reds, kadib markii uu seegay kulankii ugu dambeeyay horyaalka Premier League isagoo ka cabanaya dhaawac muruqa ah.

Emre Can oo tan iyo March 17, garoomada ka maqnaa ayaa dib ugu soo laabanaya keydka kooxdiisa, waxaana suuragal ah inuu kulankaan noqdo kiisii ugu dambeeyay kooxdiisa maadaama uu kusii jeedo Juventus.

Real Madrid oo raadineysa koobkeedii 13-aad ee horyaalada yurub waxaa shaxdaan uga soo muuqday liiska ay qof walba saadaalineyso oo uu ku jiro Karim Benzema.

Isco Alcaron ayaa kasoo hormaray Gareth Bale iyadoo Ronaldo oo raadinaya inuu helo abaalmarintiisii 5-aad ee UCL uu xaadir yahay caawa.

Shaxda Lagu soo bandhigay Shaashadda:

Liverpool: Karius, Alexander-Arnold, van Dijk, Lovren, Robertson, Wijnaldum, Henderson, Milner, Salah, Firmino, Mane

Keydka: Mignolet, Clyne, Klavan, Moreno, Lallana, Can, Solanke

Real Madrid : Navas, Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo, Modric, Casemiro, Kroos, Isco, Ronaldo, Benzema

Keydka: Casilla, Nacho, Bale, Vazquez, Hakimi, Asensio, Kovacic

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here