Wararkii ugu dambeeyay xaaladda deegaanka Tukaraq………..

0
37

Wararka ka imaanaya deegaanka Tukaraq ayaa sheegaya in saaka xaaladda ay degan tahay kadib dagaal dad badan ku dhinteen oo halkaasi ka socday muddo todobaadyo ah.

Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay beenisay haddalo ka soo yeeray Somiland oo sheegayey in ciidamo Puntland ah oo gaaraya 120 ay soo goosteen, Dhankeeda wasaarada amiga Puntland ayaa sheegtay in qofkii ka tirsan Shaqaalaha dowlada ama ciidanka ee la ogaado inuu gudbinayo macluumaadka iyo sawiro ama Vedio ku saabsan ciidanka uu mutaysan karo Xabsi .

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale diray baaq nabadeed, isaga oo jimcihii hadlayey ayaa yiri.

“Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin deg deg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.”

Beesha caalamka iyo dalalka taageera Soomaaliya ayaa soo-jeediyay wada hadalo in wax lagu dhammeeyo iyaga oo intaasi raaciyay in arrintan uga dari karto xaaladda banii’aadnimo ee duufaanta sagar oo goobtaan ka jirta.

Dalalka iyo hey’adaha baaqa diray waxaa ka mid ah UN, African Union, European Union, (IGAD), Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo the United States.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here