Wasiir ka tirsan Xukuumadda Khayre oo maanta hortagaya Baarlamaanka

0
27

Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo weydiinaya Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay in maanta uu jiro kulanka Baarlamaanka, waxaana kulanka shir guddoominaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Xildhibaanada ayaa maanta waxaa hortagaya Wasiirka Waxbrashada, waxayna su’aalo ka weydiinayaan intuu Wasaaradda joogay waxyaabaha u qabsoomay iyo Imtixaankii ay sanadkan qaaday Wasaaradda.

Sidii caadada aheyd Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya ayaa waxaa loo xiraa wadada Sayidka xilliyada ay shirayaan ,waxaana taasi caqabad ay ku tahay dadka shacabka.

Shalay ayaa lagu madalsanaa Wasiirka waxbarashada inuu hortago Xildhibaanada Golaha Shacabka, balse kulankaasi uu baaqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here