Maxaabiis Laga Soo Dajiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho: VIDEO

0
38

Waxaa saakay oo Arbaco ah Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay 151 dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya.

Maxaabiistan oo uu la socday Safiirka Soomaaliya ee Yurub Ambassador Cali Siciid Fiqi ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu ka mid ahaa Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh iyo xildhibaano.

Dhalinyaradan qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin dib ugu soo laabashada magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalkoodii hooyo.

Safiirka Soomaaliya ee Yurub Ambassador Cali Siciid Fiqi ayaa dhankiisa sheegay dhalinyaradan inay yihiin kuwa ku jiray xabsiyo kala duwan oo ku yaalay gudaha dalka Libya.

“Een muddo 15 maalmood ah oo aan wadnay dadaal anaga iyo safaaradda Liibiya, waxaa lagu guuleystay in aan diwaangelino ilaa 300 oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ku dhibaataysanaa xabsi ku yaalla magaalada Triboli ee dalka Libiya, waxaan ku guuleysanay in 151 oo kamid ah dhalinyaradaasi aan saaka soo dejino, runtii waa guul ay soo haysay dowladda Soomaaliya, waad arkaysaan dhalinyaradana sida farxaddu ay uga muuqato in dalkoodi hooyo ay ku soo laabtaan”. Ayuu yiri Danjire Fiqi.

Maxaabiistan ayaa la sheegay inay iyaga doorteen inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, kadib markii dhibaatooyin kala duwan ay ku qabsadeen gudaha dalka Libya.

Muddo ayey sheegeen inay ku dhibtoodeen xabsiyada dalka Libya oo ay kala kulmeen tacadi kala duwan oo ay u gaysteen kooxaha magafayaasha dalka Libya ku sugan.
Hoos kadaawo muuqaalka.

#SNTV

Dawladda Soomaaliya oo dalkooda hooyo dib ugu soo celisay 150-dhalinyaro ah oo laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya oo ay sannado badan qaarkood ku dhibaataysnaayeen.Tabiye : Abdishakur Ali Ahmed

Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Wednesday, May 30, 2018

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here