Dowladaha Somaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiisyo……

0
32

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federalka Somaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo laba cisho ah booqasho ku joogay dalka Jabuuti ayaa la kulmay madaxda dalkaasi.

Mudane Amb. Ahmed Isse Awad waxa uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ballaaran ee labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Labada Wasiir ayaa kala saxiixay heshiisyo Saddex ah oo uu ku jiro mid ku qotoma iskaashiga ammaanka, iyaga oo balan qaaday heshiisyadan in ay noqon doonaan kuwo si dhaw u dhaqan gala.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federalka Somaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad oo ay ku wehliyeen socdaalkiisa Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Siihayaha xilka Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Mudane Khaliif Cali Xaashi Cilmi ayaa waxa ay booqasho sharafeed ugu tageen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here