Amnesty International “Liyuu Boliiska Soomaalida Itoobiya waa in la kala diraa”

0
48

Hay’adda xuquuqda aadnaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Ethiopia inay si deg deg ah u kala dirto ciidamada booliska is-maamulka Soomaalida ee Liyu Boolis, sababo ay ku sheegtay inay si sharci darro ah dad ugu dilayaan gobolka Oromada.

Warbixin ay hay’adda soo saartay ayaa lagu sheegay in xubno ka mid ah ciidamadaas ay toddobaadkan gubeen 48 guri oo ay lahaayeen qoysas Oromo ah, kuwaas oo ay ku qasbeen inay u qaxaan magaalada Kiro ee gobolka Oromada.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in 23-kii iyo 24-kii May ay ciidamada Liyu Boolis weerareen afar xaafad oo ku yaalla degmada Chinaksen ee Bariga Oromia, halkaasi oo ay ku dileen 5 qof, oo beeraley ahaa, islamarkaana ku gubeen 50 guri.

Agaasimaha Amnesty ee Barga iyo Geeska Afrika, Joan Nyanyuki ayaa dowladda Ethiopia ugu baaqay in ay ciidamada Liyu Boolis ku beddesho ciidamo u hoggaansama xeerarka caalamka ah ee xuquuqda aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here