Wiil & Aabihiis oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

0
24

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, xalay waxaa lagu dilay Wiil iyo Aabihiis, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Magaalada Gaalkacyo qaybta Puntland.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Yaasiin ee dhanka Waqooyi Magaalada Gaalkacyo, kadib markii nin hubaysan oo xanuunsanaya sida la sheegay uu rasaas ku furay wiilka iyo Aabihiis oo meel wada fadhiyay.

Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Maxamed Yuusuf Tumey, ayaa u sheegay Warbaahinta in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilka.

“Allaha u naxariisto walaalow nin ciidamada Puntland ka tirsanaan jiray oo madaxa looga jiray ayaa rasaas ku furay wiilka iyo aabihii oo meel wada fadhiyay sidaasi ayeeyna ku dhinteen, Taliyaha qaybta wuxuu goor dhaw ii sheegay in gacanta lagu soo dhigay ninkii xanuunsanaayay ee falkaasi dilka ah gaystay.” Ayuu yiri Duqa Magaalada Gaalkacyo.

Dhacdadan lagu dilay wiilka iyo aabihiis ee ka dhacday Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa si wayn u hadal haayo dadka ku nool Magaaladaasi oo arrin fajac la noqotay.

Ninkan falka gaystay ayaa la sheegay in ciidamada Puntland uu ka mid ahaan jiray, balse markii uu xanuunsaday ciidanka laga saaray, iyadoo ugu dambeyn aanan la ogeyn halka qoriga falka uu ku gaystay uu ka keensaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here