Kenya oo jawaab ka bixineysa weerarkii lagu dilay saraakiisha ee shalay ka dhacay deegaanka Liboya

0
149

Ciidamada militariga iyo Booliska Kenya, ayaa howlgal ballaaran ka wada qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari gaar ahaan magaalada Gaarisa, kadib markii shalay Qarax lagu dilay Shan sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada GSU dalka Kenya.

Qaraxan oo si gaar ah uga dhacay tuulada Harar oo u dhaw soohdinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay Shan sarkaal, halka Saddex kalena ay ku jiraan xaalad halis ah, kuwaasi oo si gaar ah uga tirsanaa ciidanka la dagaallanka argagixisada Kenya.

Ciidamada ayaa baadigoob ugu jira kooxihii ka danbeeyay weerarkii shalay kuwaa oo ka tirsanaa Al-shabaab, waxaana hay’addaha nabad-galyadu amareen in jawaab deg deg ah laga bixiyo weerarkii lagu dilay saraakiisha.

Hawlgalka ayaa saamayn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii gaadiidka iyo dadka, iyadoo hakad muuqdo uu ku yimid hawlihii gaadiidka dadweynaha.

Xoogaga Ururka Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasi ayaa waxa ay tilmaameen in ay ku dileen 25 askari oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, waxayna tilmaameen in ay sii wadi doonaan weerarada ay ka geysanayaan Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here