Maxey Sameyn Doonaan Ciyaartoyda England Hadii Garoonka Lagu Cunsuro Kulamada Koobka Aduunka?

0
69

Tababaraha qaranka England Gareth Southgate ayaa ku adkeysanaya in ciyaartoydiisa aysan ka bixi doonin garoonka hadii ay falal cunsuriyanimo ah la kulmaan jamaahiirta kubadda cagta ee soo xaadiraya garoomada Russia.

Macalinka wuxuu aad uga xumaaday hadalkii qiirada lahaa ee kasoo yeeray daafaciisa reer England Danny Rose kaas oo ka mid ah ciyaartoyda madowga ah ee ka qeyb galaya koobka Aduunka.

Daafaca Spurs wuxuu qiray ineysan qoyskiisa ka qeybgali doonin daawashada koobka Aduunka maadaama ay ka cabsi qabaan in la bartilmaameedsado, balse xulka saddexda libaax waxey isku dayi doonaan iney si walba ula dagaalamaan arrinkaas.

Si kastaba Gareth Southgate wuxuu doonayaa ineysan xitaa u istaagin hadalada kasoo yeeraya jamaahiirta aan jecleyn madowga oo aad ugu badan dadka Russia, wuxuuna u sheegay qof walba iney muhiimadooda tahay ciyaarista koobka Aduunka.

“Dadka wanaagsan ee dunida waxey kuu sheegayaan inaad sidaas sameyso, waxeyna u muuqataa in xaqiiqada ay tahay inaad isaga bixi laheyd”

“Uma maleynayo in ciyaartoyda ay doonayaan iney sidaas u shaqeeyaan noloshooda oo han si ay u hantaan koobka Aduunka”

“Ujeedada waa inaan sare u qaadi karo arrinka isla markaana aan wajahno arrinta, balse waxaan dooneynaa inaan ciyaarno tartanka”

“Wey adag tahay, weyna fududahay in la miisaamo si loo helo arrinka saxda ah, mana ahan wax suuragal ah inaan sheego wax walba oo ka farxin kara qof walba”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here