Muxuu Da’yarka Reer Portugal Ee Diogo Dalot Ka Yiri Inuu Kusoo Biiray Man United & Sida Uu U Arko La Shaqeynta Jose Mourinho?

0
102

Manchester United ayaa dhameystirtay saxiixa daafaca reer Portugal Diogo Dalot kaas oo labada garab (Bidix iyo Midig) ka ciyaari kara, waana 19-jir lagu soo iibiyay aduun dhan 17.4 Malyan oo Pound.

Xiddigaan ka mid ah ciyaartoyda 21-jirada ee qaranka Portugal ayaa saxiixay heshiis 5-sanadood ah sidoo kalana dooq loo siiyay inuu 12-bilood oo dheeraad ah ku darsado hadii uu garonka Old Trafford u arko meeshii uu waayahiisa kasii wadan lahaa.

Red Devils waxey u baahan tahay iney ka maarmi doonto Antonio Valencia oo 33-jir ah isla markaana dhaawac jilibka ah ku ciyaaray fasalkii lasoo dhaafay, sidoo kalana wuxuu kooxda ka saacidi karaa dadabka bidix.

Si kastaba 19-jirkaan tayada wanaagsan wuxuu tan iyo February sanadkaan ka mid ahaa kooxda koowaad ee Porto, sidoo kalana wuxuu xulka Portugal kula guuleystay 2016 koobkii qaramada yurub ee 17-jirada isagoo laba gool dhaliyay 5-kulan oo ay ku ciyaareen Azerbaijan, waxaana goolashiisa ka mid ah mid uu final-kii ka dhaliyay qaranka Spain.

Xiddiga da’da yar markii uu kusoo biiray kooxda laguna dhawaaqay heshiiskiisa, wuxuu la hadlay website-ka rasmiga ah iyo TV-ga kooxda isagoo ka halay dareenkiisa ku aadan inuu kusoo biiray Red Devils iyo inuu la shaqeynayo Jose Mourinho.

“Inaan kusoo biiro Man United waxey ii tahay fursad aan macquul aheyn” ayuu yiri Diogo Dalot oo u muuqday mid fahansan kuna hadli kara luqadda Ingiriiska.

“Waxaan kusoo koray akadeemiga Porto, waxaana si weyn kaga mahad celinayaa wax walba oo ay ii sameeyeen”

“Balse fursadda aan u helay inaan imaado kooxda ugu weyn dunida waa wax aan la iska diidi karin”

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan la shaqeeyo Jose Mourinho isla markaana ka barto wax walba oo aan ka heli lahaa macalin guuleystay”

“Waxaan isha ku hayaa inaan ka dhinac ciyaaro ciyaartoyda cajiibka ah ee kooxda”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here