SAWIRRO: Shabaab oo ciidamo badan ku soo bandhigay Magaalada Jilib

0
565

Xoogaga Al Shabaab ayaa Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe waxa ay ku soo bandhigeen boqolaal ka mid ah ciidamadooda ee ka dagaalama Somaliya.

Ciidankaan oo watay darees ciidan oo isku eeg, wajiyadana ay u xirnaayeen ayaa lagu dhex arkay iyaga oo dhex socda gudaha Magaalada Jilib.

Gaadiidka dagaalka ayeey wateen qaarkood, halka qaar kalena dadka shacabka ah ku dhex jireen oo ay la ciidayeen, sida laga arkay Sawirro ay soo bandhigtay Warbaahinta Al Shabaab.

Wararka Laxiriira:

Ra’iiisal wasaaraha Itoobiya oo soo gaaray magaalada Muqdisho

 

Shacabka Dgemada Jilib, ayaa daawanaayay ciidamadan Shabaab ka tirsan ee lagu soo bandhigay magaaladaasi, kuwaasi oo isugu soo baxay fagaarayaasha Magaaladaasi.

Jilib, ayaa waxa ay ka mid tahay meelaha Saldhigyada waaweyn ay ku leeyihiin Ururka Al Shabaab, waxaana jooga Jilib Saraakiil badan oo Shabaab ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here