Shabaab oo weerar khasaare dhaliyay ka geystay gudaha dalka Kenya

0
1369

Warbaahinta gudaha ee dalka Kenya ayaa waxa ay qortay xubno loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin xoogaga ururka Al-shabaab in weerar qarax loo adeegsaday ay la eegteen kolonyo ciidan ah oo ka tirsan dalka Kenya, gaar ahaan Booliska.

Qaraxan oo ka dhacay deegaanka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxaa lala eegtay gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidanka Kenya, iyada oo qaraxa kadib la maqlay rasaas fara badan.

Ilo dhinca ammaanka ah ayaa waxa ay sheegeen Gaarigan inuu ka mid ahaa kolonyo ku jirtay Roondo, kuwaasi oo maalmahan dambe waday howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Warar soo baxaya oo laga helay ilo dhinaca Militariga ayaa waxa ay sheegayaan gaariga qaraxa lala eegtay in gabi ahaantiisa uu burburay, kadib markii ay haleeshay Miinada dhulka lagu aasay.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qaraxan, khasaaraha hordhaca ah ee qaraxan laga helayo ayaa sheegaya in ay ku dhinteen inka badan 8 askari, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, iyada oo ciidanka dhaawamay la dhigay isbitaal ku yaalla gobolka.

Saraakiisha sirdoonka dalka Kenya ayaa maalmo kahor ka digay weeraro Shabaab ay ka geystaan dalkooda, inta lagu guda jiro maalmaha ciida, waxaana qaraxan uu ku soo aaday iyada oo digniintaasi horey loo baahiyay.

Xoogaga Shabaab ayaa inta badan qaraxyada miinooyinka iyo weerarada dhabagalka ah waxa ay u dhigaan ciidamada Kenya ee ku socdaala magaalooyinka gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here