Cayaartii Finalka ahayd ee Bafaana v/s Wadajir oo soo idlaatay……

0
321

Cayaaraha waa astaanta dhalinyarada waxa ayna kaqaadataa kaalin mug leh isdhexgalka bulshada walow ay ubaahantahay dadaal dheeri ah si loo helo dhalinyaro udiyaar ah kaqeybqaadashada cayaaraha ayaa aalaaba waxaa laqabtaa cayaaraha kubada cagta oo ah cayaarta ay suurta galka tahay in sifudud lagu helo cayaaryahano qibrad u leh kubadada cagta.

Degmada ceelwaaq ayaa ah degmo soo martay marxalado kala duwan oo dhanka amniga ah balse waxaa wali taagan hamiga dhalinyarada ay uleedahay inaan sii wataan xirfada cayaarta kubada cagta islamarkaana ay kudadaalaan iney heer kagaaraan mustaqbalka.

isbuucii lasoo dhaafey ayaa waxaa koob loo dhigay afar kooxood oo kawada dhisan degmada celwaq waxaana ugudambeytii isugusoo baxay laba koox oo lakala yiraahdo Bafaana iyo Wadajir cayaarta ayaa kusoo idlaatay eber iyo eber kadibna loo gudbay in loo dhigo rigooro halkaa oo ay guusha kuraacdey Kooxda Bafaana oo uu tababare u aha Hassan Derow.

Gudiga isboortiska degmada ayaa suurta galiyey inuu waqti galiyo cayaartaas una dhigey koob iyo bilado kala duwan taasoo looga gol leeyahay dhiira galinta dhalinyarada degmada

bulshada ayaa uga hambalyeeyey gudigaas howsha ay bulshada u hayaan uguna baaqay iney dadaalkooda sii badiyaan ganacsatadana ugu baaqay iney qeyb kanoqdaan barnaamijyada isboortiga iyo tayeynta xirfadaha dhalinyarada kuwaa oo ah laf dhabarka umad waliba ee dunida joogta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here