HORDHAC: Nigeria Vs. Argentina -Messi Oo Qarka U Saaran In Uu Ku Ceeboobo Koobkiisii Aduunka Ee Ugu Dambeeyey

0
84

Kulankii ugu xiisaha badnaa ee ugu adkaa ayaa caawa dhexmari doona Nigeria iyo Argentina.

Waa kulan natiijooyin kala duwan laga dhaxli doono kana reebi kara koobka aduunka Lionel Messi.

Haddii ay Nigeria bar bar dhac la gasho Argentina-  dalka Koondur America wey hareen hallka haddii laga badiyo ay ka daran tahay.

Argentina waxa ay ku soo baxdaa guul ay gaarto iyo Iceland oo laga badiyo.

Nigeria

-Tababare Gernot Rohr waxa uu u guuray daafac saddex ah kulankii Iceland

– Tyronne Ebuehi waxaa la soo galiyey qeybtii dambe wuuna ku soo bilaaban karaan kulanka Argenina isagoo buuxinaya booska Brian Idowu

– John Obi Mikel walaac dhaawac ayuu qabaa

Argentina

-Xilli ay baahi weyn u qabaan bandhig natiijo leh, Jorge Sampaoli  waxa uu u guuri karaa shaxda 4-3-3

– Franco Armani, Ever Banega, Angel Di Maria iyo  Gonzalo Higuain dhammaan waxa ay boosaska ka bedeli karaan Willy Caballero, Marcos Acuna, Maximiliano Meza iyo Sergio Aguero.

SAFAFKA LA FILI KARO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here