Kaka Oo Farta Ku Goday Sababta Ugu Weyn Ee Uu Lionel Messi Ugu Dhibaatoonayo Koobka Aduunka

0
100

Kaka waxa uu qodob xiiso leh uga hadlay Lionel Messi isaga oo farta ku guday sababta uu Lionel Messi bandhigyada wanaagsan uga sameyn la’yahay Koobka Aduunka.

Laacibka Barcelona waxaa si baahsan loogu aqooonsan yahay in uu yahay xiddigga uggu wanaagsan dunida balse koobka aduunka dhib ayaa ka haysata.

Messi waxa uu xulkiisa ka khasaariyey gool ku laad kulankii muhiimka ahaa ee Iceland halka uusan wax dhaq dhaqaaq ah sameyn ciyaartii lagu garaacday 3-0 ee Croatia.

Nin walba wax in uu ka sheego ayyuu u baahday laacibka shanta jeer haysta Balon d’Or-ka bandhiggiisa hoos u dhacay halka xirfadleyda kubadda cagta ay u aaneenayaan in cadaadiska ah in uu xulkiisa koob aduun u qaado ka saa’id calleeysay

Laakiin Kaka waxa uu farta ku fiiqay sawir kaas ka weyn oo ku saabsan sababta uu Messi ugu guuldarreysanayo in uu bandhigyo ka sameeyo koobka aduunka.

“Messi waqti xun ayuu la marayaa Argentina tanina waxa ay muujineysaa muhiimadda koox-da kubadda cagta u leedahay,” ayuu Kaka u sheegay ESPN.

“Waa qof xoojiya kuwa ku hereereysan, laakiinmarka taasi shaqeyn isna wuu dhibtoodaa.”

Argentina waxa ay u baahan tahay in ay ka badiso Nigeria maanta kaddibna sugto Iceland oo guuldrrro kala kulanta Croatia si ay ugu soo baxdo koobka aduunka.

Messi iyo xulufadiisa waxa ay haystaan fursaddii ugu dambeeysay ee ay kobka aduunka ku sii jogi karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here