Dibadbax la xiriira maalmaha xoriyada oo ka socda magaalada Muqdisho

0
388

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya dibadbaxyo la xiriira maaalmaha xoriyada, gaar ahaan dabaal-dega munaasabada 1da Luulyo.

Waxaa saaka xiran wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, kadib markii wadooyinka lagu soo daadiyay ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo ammaanka sugaya.

Jidadka muhiimka ah ee magaalada ayaa keliya saaka waxaa isticmaalaya gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta dowladda iyo gaadiidka dagaalka ee ciidamada dowladda ay wataan.

Ciidamada Ammaanka ayaa xalay xiran wadooyinka, waxaana inta badan Isgoysyadda Muqdisho lagu diyaariyay Basas waa-weyn oo loogu tala galay in ay qaadaan dadka ku jira xaaladdaha degdega ah.

Maamulada qaar ka tirsan Iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho ayaa shalay ku sii wargeliyay Ardayda in Axadda ay fasax yihiin goobaha waxbrashada, waxaana maanta xiran qaar ka tirsan goobaha waxbrashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here