Miyuu Cristiano Ronaldo Ciyaari Doonaa Koobka Addunka 2022?

0
735

Portugal ayaa laga reebay koobka Adduunka kadib kulan dhib badan oo ay magaalada Sochi kula ciyaareen dhigooda Uruguay, waxaana lasoo afjaray nolosha iyo damaca uu Cristiano Ronaldo ka lahaa inuu ku hanto tartanka ugu weyn kubadda cagta.

Sidaas darteed qof walba wuxuu is weydiinayaa mashiinka reer Portugal mar kale maka soo muuqan doonaa shaashadaha tartanka, mase lagu arki doonaa dalka Qatar sanadka 2022.

Waqtiga uu koobka Adduunka bilaabanaayo waa November 2022, xilligaas Cristiano Ronaldo waa 37-jir, inkastoo ay tahay arrin jir ahaan u dhib badan hadana waxey u noqon doontaa wax aan caadi aheyn hadii uu awoodo inuu u tartamo koobka ugu weyn dunida waqtigaas.

Xiddigii hore Manchester United waxaa dhib badan ku haya xanuun dhanka jilibka ah, balse waqtiyadii ugu dambeeyay kooxdiisa aad ayuu ula xaalay, wuxuuna kalsooni ku qabaa inuu ciyaari karo waqti dheer.

Cristiano Ronaldo wuxuu kasoo muuqday afar jeer tartanka koobka Adduunka, laakiin nasiib xumo waligiis gacanta kuma dhigin koobkaas dahabka ka sameysan.

Waayahisia qaranka marnaba wuxuusan iloobi doonin koobkii qaramada yurub ee 2016 lagu qabtay France, balse wuxuu doonayaa inuu ka mid noqdo qarankiisa marka ugu horreysa ee tartanka lagu qabto dhulka carbeed, sido kale wuxuu qof walba dib u xasuusan doonaa Roger Millaoo isagoo 38-jir ah kasoo muuqday koobkii Adduunka 1990.

“Waxaan rajeynayaa in koobka Adduunka Qatar uu noqdo midkeygii ugu dambeeyay” ayuu yiri Ronaldo oo la hadlayay beIN Sport.

“Waan ku faraxsanahay inaan halkaas ku ciyaaro, waan hubaa iney noqon doonto tartankeygii qaran ee ugu dambeeyay”

Goolhayaha reer Masar Essam El-Hadary ayaa taariikh u dhigay koobka Adduunka kadib markii uu kusoo bilowday kulankii ugu dambeeyay Saudi Arabia, wuxuuna noqday midkii ugu da’da weynaa ee ciyaara isagoo 45-sano jir ah.

Sheekada ugu xiisaha badan waxey ka taagan tahay mustaqbalkiisa maadaama heshiiska uu kula jiro Los Blancos uu dhamaanayo 2021, sidoo kalana haddaba lasii hadal hayo inuu isaga bixi doono.

Dadka kubadda cagta ku shaqada leh waxey tusmeynayaa in Ronaldo uu diyaar u yahay inuu baaqi kusii ahaado qaaradda yurub 4-ta sano ee soo aadan si uu awood ugu helo inuu isagoo niyad fiican leh u hogaamiyo Portugal, hana ka reebin inuu fursad u heysto difaacashada koobka qaramada yurub marka la isku yimaado 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here