Sergio Ramos Oo Dabaal Daga Goolkii Ay Iska Dhaliyeen Russia Ku Weeraray Mohamed Salah

0
201

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa fariin yar oo dharbaaxo u muuqata soo dhigay bartiisa twitter-ka kadib markii ay isaga hareen qaranka Spain koobka Adduunka, waxaa halkaas laga fahmay in xiddiga reer Masar uusan wali cafin Sergio Ramos.

Xidiga Reds ayaa lagu qasbay inuu ka baxo final-kii koobka Champions League ee Kiev ka dhacay dhamaadkii May kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray garabka xilli ay wada dagaalameen Sergio Ramos.

Egypt waxey ka hartay koobka Adduunkaiyadoo aan helin wax dhibic ah waxeyna saddex guuldaro kala kulmeen Saudi Arabia, Russia iyo Uruguay.

Saacado kadib markii Ramos iyo xulufadiisa laga reebay koobka Adduunka ayuu Salah soo qoray qoraal yar oo qaniinyo la moodo isla markaana ku wajahan kabtanka qaranka La Roja.

Sergio Ramos ayaa intii ay socotay ciyaartii Russia iyo Spain ku digtay Mohamed Salah sida ay sheegeen dadka aadka loogu tixgeliyo akhrinta dibnaha beni’aadamka, kuwaas oo isla gartay in Sergio uu hadal yar ku gubay Salah.

Ramos ayaa ku qasbay Sergei Ignashevic inuu iska dhaliyo goolka ay Spain hogaanka ku qabteen kulankii shalay ee wareega 16-ka, waxaana lasoo wariyay inuu yiri: “Isoo dacweey Mo” markii uu horyimid kaamirada.

Hadalkaas wuxuu Sergio Ramos kaga jawaabayay warbixintii qareenka reer Masar uu ku dalbaday in Sergio Ramos lagu ganaaxo lacag dhan 1 Bilyan oo Euro maadaama uu si kas ah u dhaawacay Salah.

Dhanka kale Mohamed salah wuxu soo dhigay fariin yar oo si cad ugu socota Ramos, wuxuuna si aan dhib laheyn usoo qoray.

“Dadka qaar waxey u maleeyaan iney dhamaatay, balse ma dhamaan. Waxaa loo baahan yahay inuu isbadal dhaco” ayuu Salah kusoo qoray barta twitter-ka waxeyna noqotay arrin dhan walba loo fasiran karo.

Dagaalka labada dhinac ma dhamaan doono ilaa Salah uu iloobo wixii seejiyay Final-kii Champions League iyo sidoo kale furitaanka kooba Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here