VIDEO: Dibad Baxyo Balaaran oo Kasocdo Caasimada Dalka Kenya……..

0
303

Dibad baxyo aan rabshad wadan ayaa saaka abaara 10kii subaxnimo laga bilaabay caasimada dalka Kenya ee Nairobi  kuwaasoo ay isugu soo baxeen dhamaan ganacsatada dalka. Goobaha ganacsiga ayaa guud ahaan albaabada la isu laabay iyadoo dhamaan ganacsatada ay qeyb kanoqonayeen dibad baxaan lagu doonayo in lagu muujiyo inaanana marnaba aqbali Karin sara uqaadida canshuuraha dalka  lagusoo kordhiyey  ganacsatada iyo gaadiidleyda .

Warbixin kazoo baxdey xafiisyada dowlada ayaa waxaa dhawaan lagu shaaciyey in wax laga badali doono qiimaha canshuurta laga qaado shacabka taasi oo dadbadani ka hadleen iney suurta gal noqoneen waqtigaan iyadoo sidoo kale ganacsatada ay sheegtey in wadanku kazoo kabanayo waxyeelihii kazoo gaarey waqtigii ololaha doorashooyinka kasocdeen guud ahaan dalka.

Dibad baxaan ayaa kusoo beegmaya xili isbuucii lasoo dhaafay ay dowlada hoose xanibaad kusameysey gaadiidka fudud ee loo yaqaana mootooyinka laba qof qaada in gudaha usoo gasho magaalada islamarkaana ay ku egyihiin isticmaalkooda Ngara taasoo dad badani ay u isticmaali jireen fududeenta safarada gaaban xiliga wadooyinka magaalada ay kajiraan mashquul halka dhanka kalana ay mudaharaadyo rabshada wata sameeyeen wadayaasha mootooyinka ilaa hadda dowlada kama jawaabin rabshadahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here