Gareth Southgate Oo Boosteejo Ku Taal London Loogu Magacdaray!

0
39

Wadada Tareenada ee dhulka hoostiisa ee loo yaqaan Southgate ayaa loogu magacdai doonaa tababaraha Englad kaddib guulihii England ee koobka aduunka.

Boosteejadaas/istaanka ku yaal Enfield, London waxaa loo bixin doonaa Gareth Southgate muddo 48 saacadood ah laga bilaabo isniinta, waxaa sidaas shaaciyey waaxda socdaalka e London.

Southgate waxa uu ku hoggaamiyey England guulihii ugu waa weynaa ee koob Aduun ay ka gaaraan tan iyo 1990 oo ay afar dhammaadka tageen.

Xulka England oo kaalinta afraad ka soo galay tartanka ayaa aad dareen u galiyey taageereyaasha iyaga oo adeegsanayey oraahda ah ‘Its Coming Home’ guriga ayuu imanayaa!

View image on Twitter

Southgate waxa uu noqday halyey qaran taas oo keentay in saxiixyadiisa ay aad u taageereyaasha u raadiyaan halka qaar ay ku qoreen magaciisa boosteejada Southgate “Gareth” hala korreeysiiso caalamadda boosteejada”.

“Bandhigyadii wanaagsanaa ee kooxda England waxa ay isu keentay dad kala duwan oo wada dabaal dagay,” waxaa sidaas yiri Mark Wild, agaasimaha guud ee boosteejooyinka dhulka hoostiisa marae e Engand.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here