Weeraro loo adeegsaday madaafiic oo xalay lala beegtay………

0
75

madaafiic kala duwan ayaa xalay waxaa lala beegsaday deegaanka Balcad ee Shabeelada dhexe inta la xaqiijiyey labo ruux oo rayid ah ayaa waxyeelo kasoo gaartay iyadoo lageeyey cusbitalka degmada halkaa oo lasoo sheegayo in lagu dabiibayo islamarkaana dhaawacyo culus soo gaareen dadkaasi ayaa waxay kala ahaayeen odey da’ ah iyo wiil yar oo 7 sano jir ah.

madaafiicdaas ayaa sida lasheegayo waxaa lala bar tilmaameedsanayey xero ay kulahaayeen ciidamada AMISOM deegaanka Balcad balse aanan waxba soo gaarin.

Balcad ayaa waxaa kusoo badanaya weerarada kaga imaanaya Shabaab islamarkaana lala beegsanayo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM balse shacabka degaanka ayaa marwaliba qasaaraha soo gaaraa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here