Dhalinyaro kasoo jeeda dalka Kenya oo kubiirey……….

0
99

afhayeen ciidamada militariga kenya ee kahowlgala xaduudaha ayaa waxaa uu sheegay in ay tiro dhalinyaro ah kagudbeen xaduuda dalka kenya iyagoo u gudbay dhanka soomaaliya si ay ugu biiraan xoogaga Alshaab ee kadigaalama deegaano badan oo kamid ah somalia.

dhawaan ayey ahayd markii dowlada kenya ay ugu baaqdey dhalinyarada ay kusheegeen in lamarin habaabiyey kana soo jeedo dalka kenya iney dib usoo laabtaan kana waantoobaan waxa ay ugu yeereen fakarka qaldan ee Jihaadka islamarkaana dowlada ay soo dhaweyn doonto kana garabsiin doonto sidii ay uga mid noqon lahaayeen dadkooda.

Taniyo markii ay gudaha ugaleen ciidamada kenya dalka somalia ayaa waxaa sii badanaya dhalinyarada kasoo jeeda kenya iney ku biirayaan xoogaga Alshabab islamarkaana dhagaha kaxirteen baaqa kaga imaanaya dowlada ay kasoo jeedaan iyagoo ku tilmaamay dowlad dhibaateysa dalka Muslimiinta ah haba ugu darnaadaane somalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here