Jigjiga oo lawareegeen ciidamada Federaalka itoobiya………

0
100

Jigjiga ayaa saaka kuwaabariisatay xaalad kaduwan sidii hore iyagoo lasheegayo in saaka aroortii ay magaalada gabi ahaanba gacan kuhaynteeda lawareegeen ciidamada Federaalka Itoobiya islamarkaana lawareegay guud ahan xarumihii dowlada ismaamulka somalida itoobiya oo uu madaxweynaha ka ahaa Abdi Mohamed Omar oo maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa caasimada dalka itoobiya.

ciidamada ayaa lawareegay goobo ay kamid yihiin Madaxtooyada, Talefisionka ESTV, xarunta Baarlamaanka iyo waliba guud ahaan maamulka deegaankaasi.

Shacabka somalida ayaa saaka isugu soo baxay dibadbaxyo ay kumuujinayaan isbadalada saaka dhacay iyo in ay dareemayaan xaalad qalalaaso oo kadhalan karta dhanka amniga.

xaalda magaalada jigjiga ayaa laga dareemayaa kacdoon balaaran taasoo aan la saadaalin karin halka ay ku dambeyn doonto, waxii warbixin soo kordha dib ayaan idinkala socodsiin doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here