Qaxooti Itoobiyaan ah oo kasoo barakacay Jigjiga oo gaaray……….

0
83

Boqolaal itoobiyaan ah oo kasoo qaxay jigjiga ayaa waxay soo gaadheen magaalo xaduudeedka Togwajale gaar ahaan dhinaca somaliland.

Shacabkaa soo barakacay ayaa waxaa lasoo sheegaya iney ubadanyihiin Qoomiyada Oromada gaar ahaan dadkii ka ganacsanayey jigjiga ee hantidoodi laboobay kuwaa oo amaan soo bidey Dalka Dariska la ah ee soomaaliya maadaama aysan u talaabi karin dhulkoodi.

Dhanka kale ayaa waxaa cabsi xoogan muujinaya dhacabka soomaalida ee dagan Jigjiga kuwaa oo cabsi kaqaba in ay digaalo kadhexqarxaan Ciidamada Liyuu booliska iyo Federaalka itoobiya taasi oo sababtay in ay shacabkii isaga soo baxan deegaankaasi una soo talaabaan dhanka soomaaliya.

Qaxootigaan soo gaaray Tog-wajale aya waxaa lagasoo sheegayaa ineysan wali helin caawin kaga timaada hayadaha iyo waliba Somaliland islamarkaana kadalbaday maamulka somaliland iney soo gaaraan, waxa kale oo wajaale ku xanibnaa ganacsato ukala gooshi jidhey Jigjiga iyo wajaale kuwaa oo waayey meel ay maraan.

Dhinaca kale Ciidanka amniga ee Togdheer ayaa waxaa ay soo qabteen gaadhi bas ah oo weyn islamarkaana ay saaranyihiin rakaab aad u badan iyagoo looga shaki qabo in gaadhigaasi lagala soo baxsaday dalka itoobiya si sharci darra ah ciidamada amniga ayaana baadhitaan kuwada.

Magaalada Jigjiga ayaa waxaa kadhacay Dhac iyo boob loona geysanayey meheradaha ay lahaayeen dalka aan soomaliga ahayn sida oromada islamarkaana lalaayey qaar kamid ah dadkaasi. Dhanka kale waxa shalay lakeeney meydad ay kamid tahay haweeney itoobiyaan ah iyo caruurteedi oo lagu diley jigjiga haweeneydaas ayaa caruurta ay wadatay waxay u dhasheen soomali hantideedina laboobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here