Xaalada Jigjiga iyo dirir dhabe waa sidee saaka……….

0
85

wararka ka imaanaya magaalooyinka Jigjiga iyo Dirirdhabe ee dhulka soomaalida itoobiya ayaa lasheegayaa in ay jirto xaalad degenaansho  kadib  rabshado labadii maalmood lasoo dhaafey ka dhacayey.

Magaalada Dirirdhabe oo shalay ay isaga hor yimaadeen dad kasoo jeeda qowmiyada Somalida iyo Oromada ayaa degan kadib markii ay arinka soo faragaliyeen ciidamada Federaalka itoobiya kuwaa oo kala direy dadkii rabshada halkaa kawaday.

sidoo kale waxaa iyana daganaansho laga dareemaya magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka soomaalida itoobiya oo maalin kahor ay gudaha ugaleen ciidamada federaalka itoobiya markii dambana dib uga laabtay kadib markii shacabka sii xoojiyeen rabshadaha.

Uguyaraan 26 ruux ayaa lagusoo waramayaa in ay ku dhinteen isku dhacyadi ugu dambeeyey ee kadhacay dhulka ismaamulka soomalida itoobiya walina waxaa muuqata inuusan jirin xal kama dambeys ah oo laga gaaray xiisadaha ka aloosan ee ku qotonta kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee maamulka dowlad deegaanka soomaalida iyo dowlada dhexe ee itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here