Jamaahiirta Man United Oo Mar Kale Ku Digtay Paul Pogba Iyagoo Daba Socda Hadal Uu Vidic Ku Sharfay Kooxdisii Hore.

0
57

Jamaahiirta Man United ayaan wali ka harin xiddiga kooxdooda ugu qaalisan ee Paul Pogba kaas oo ay mudooyinkii dambe u fahamsanaayeen inuusan sharafta kooxda ka fikirin isla markaana uu qaab ciyaareedkiisa xun ku gubayo tababarahiisa Jose Mourinho.

Kabtankii hore Man United Nemanja Vidic ayaa hadal muujinaya sharafta ay leedahay kooxdisii hore u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda, balse durba taageerayaasha kooxda ayaa ku yiri: “Hadalkaas u sheeg Paul Pogba”

Vidic wuxuu ku guuleystay mudadiisa Red Devils 5-horyaal, 3-League Cup iyo koobka horyaalada yurub ee UEFA Champions League, sidoo kale wuxuu kala tagay bilado badan Old Trafford kadib sideed sanadood uu ku sugnaa.

“Manchester United waa hay’ad, xiddig walba ayaa ku farxa inuu fursad u helo ku ciyaarista Old Trafford, waana mudnaan, waan ogahay taas” ayuu yiri Vidic.

Erayadaas muujinaya qiimaha Man United ayaa lagu daabacay barta twitter-ka kooxda, dhaw taageere ayaana kasoo bixiyay jawaabo layaab leh kuwaas oo badankood isku raacay in hadalkaan uu yahay mid ku haboon in loo sheego Paul Pogba.

Taageeraha koowaad wuxuu yiri: “U Sheeg Pogba midaas”

Taageerahii labaad wuxuu yiri: “U Sheeg Paul Pogba, xitaa Mbappe ayaa qaangaaray marka loo barbardhigo Pogba, Mbappe waa 20-jir halka Pogba uu yahay 25 sano jir, farqiga waa 5-sano, Pogba wuxuu u baahan yahay inuu calaamadda u ciyaaro, hadii uusan awoodin ha isaga tqago”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here