Booliska Somaliya oo sheegay inay hayaan rag Shabaab ah oo dhaawac ah

0
9

Afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliya Qaasim Axmed Rooble, ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen saddex nin oo Shabaab ah, kuwaasi oo qaba dhaawacyo kala duwan.

Ragga la soo qabtay ayaa wuxuu sheegay in lagu soo qabtay hawlgal ciidamada Booliska ay ka sameeyeen Xaafadda Suuqa Xoolaha, hawlgalkaasi oo la doonaayay in si nabad ah lagu soo qabto ragaan, balse ay dagaalameen.

ciidamada Booliska ay ku guda jireen hawlgalkaasi ayaa wuxuu sheegay in la dilay Sarkaal ka tirsanaa  Shabaab, kaasi oo Booliska ay soo bandhigeen.

“Ciidanka Booliska waxay maanta ku guuleysteen inay qaadaan Howlgal ay ku dileen Amiir Al shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka Qeybta Bari ee Gobalka Banaadir, waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay iyagoo dhaawacyo ah sedex ka mid ah Maleeshiyo la socotay, Ciidanka Booliska waxay doonayeen inay soo qabtaan isagoo bad qaba si Sharciga loo horkeeno laakiin weerar ayuu qaaday wuxuu ka dilay Ciidanka Hal Askari, midna wuu ka dhaawacay, ka dib danta waxay ku qasabtay Ciidanka Booliska inay talaabo ka qaadaan wayna dileen.”Ayuu yiri Afhayeenka Gobalka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here