Wasiirada Arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta oo kulan deg deg ah ka yeelanaya arrimaha Somaliya

0
36

Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta ayaa  maanta oo Talaado ah Qaahira ku yeelanaya kulankooda 150-aad ayaa lagu wadaa in ay kaga hadlaan Xaaladda Soomaaliya.

Waxa ay sigaar ah Diiradda ugu saarayaan kulankooda sidii kaalmo iyo garab loo siin lahaa Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib udhiska dalka, Ciidamada, Qabyo tirka Dastuurka iyo Dhaqaalaha.

Wasiirada ayaa loogu yeeray ka qayb galka Kulankaan oo lagu darsi doono Siyaasadda iyo ammaanka oo ay hoos tagi doonaan Qodobo kor ku xusan ee Saldhigidda Dastuurka, Nidaamka Xisbiyada Siyaasadda, Kobaca Dhaqaalaha iyo dib u qaabeynta Ciidamada Soomaalida.

Kulankaan oo ah mid aan horay loosii shaacin ayay isugu tagi doonaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Xubnaha Shirka lagu marti qaaday waxaa kamid ah Bankiga iyo Sanduuqa Lacagta ee Jaamacadda Carabta si deg deg loogu fuliyo Ballanqaadyada kasoo baxa Fadhiga.

Albawabanews oo kasoo baxa Masar oo Daacabay Xogta Kulankaan ayaa sheegay in Qorshuhu yahay in Soomaaliya laga cafiyo Deemaha ay ku leeyihiin Dalalka Ururkaan Jaamacadda Carabta ku jiro si ay u hesho Soo kabasho Dhaqaale.

Soomaaliya ayaa Marti gelineysa Shirka Jaamacadda Carabta sanadka soo socda 2019-ka kadib markii ay ku guuleysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here