Madaxweynihii hore dowlad deegaanka Somalida oo maanta maxkamad la soo taagaayo

0
96

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in maanta maxkamad la soo taagayo madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeer ilaalinta qaranka dalka Itoobiya ayaa Cabdi Maxamuud waxa ay ku soo oogayaan kiis dacwadeedka ka yaalla maxkamadda oo ay ka mid yihiin gabood fal iyo arrimo kale oo la xiriira barakicinta dad shacab ah.

Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar ayaa qareenada difaacaya waxa ay sheegayaan inay diyaar u yihiin in kiiska xeer ilaalinta ay ku soo oogeyso ay ka difaacaan.

Ehelada Cabdi Maxamuud ayaa waxa ay sheegeen inay wax wanaagsan ka rajeynayaan maxkamadeynta maanta la filayo inay ku dhacdo wiilkooda iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here