Al Shabaab oo saaka weerar ku qaaday fariisin ciidamada ku leeyihiin Degmada Afgooye

0
47

Al-Shabaab ayaa saaka weerar ka geystay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii ay beegsadaan fariisin ciidamada dowladda halkaasi ku leeyihiin.

Wararku waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay Magaalada Afgooye ka weerareen Xaafadda Buulo Foolyo, islamarkaana is rasaaseyn cabbaar socotay kaddib hadda dagaalka istaagay.

Dadka deegaanka ee ayaa xaqiijiyay in dagaalka oo ku beegnaa aroortii hore ee saaka uu istaagay, kadib markii cabaar ay wada dagaalameen ciidamada dowladda iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Lama oga Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka Shabaab iyo Ciidamada dowladda ku dhexmaray Degmada Afgooye, hayeshe dagaalyahanada Shabaab ee weerarkaasi soo qaaday ayaa la sheegay inay ka yimaadeen dhanka Degmada Awdheegle.

Al-shabaab ayaa sare u qaaday weerarrada ka dhanka ah degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, iyaga oo labadii bilood ee ugu dambeysay dhowr jeer weeraray Magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here