Ra’iisul Wasaare Khayre “Bulshada Soomaaliyeed waa inay hantidooda ku bixiyaan ololaha Is-xilqaan”

0
75
Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in barnaamijka is-xilqaan uu fursad wanaagsan u yahay dib u dhiska dalka iyo wanaajinta dhaxalka jiilka soo koraya.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda iyo waqtigooda ay ku bixiyaan barnaamijka is-xilqaan si dib loogu dhiso dalka oo dhan, danaha qarankana si wadajir ah looga shaqeeyo.

“Waa in is-xilqaan lagu dhisaa dalka oo dhan, shacabka oo dhanna ay ka qayb qaataan, waa in ay ka qayb qaataan madaxda qaranku oo ay isxilqaan dalka ku dhisaan”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre oo inta ku daray “Waxaa Muuqda horumar wayn oo ay ku tillaabsadeen shacabka Soomaaliyeed maadaama ay billaabeen in dalkooda ay dib u dhisaan iyaga oo isticmaalaya hal-ku-dhigga “Is-xilqaan”.
Shirkii golaha wasiirrada ee lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa lagu ansixyay barnaamijka is-xilqaan oo lagu dhisayo guud ahaan xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo waddooyinka.
Abdirahman sheikh bashir
Socdaal@rajomedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here